Dib U Eegdi: Xaqiiqooyin Cajiib Ah Oo Aad Uga Baahantahay Kulankii El Clasico Ee Barcelona Garaacday Real Madrid

Kooxda Barcelona ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay kooxda Real Madrid kulan El Clasico ah oo ka dhacay garoonka Santiago Bernabue kana tirsanaa horyaalka La Liga.

Gool uu dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic ayaa Barcelona uga filnaa in ay Bernabeu kala baxdo 3-da dhibcood ee kulanka.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulanka El Clasico:

  1. Kooxda Barcelona ayaa mar kale bar-baraysay guulaha Kulanka El Clasico ee horyaalka La Liga kadib guushii xalay iyada oo haatan labada kooxood kala badiyeen horyaalka 72 kulan.
  2. Sergio Busquets ayaa noqday xiddigii ugu deg-dega badnaa ee loo taago kaadhka digniinta ah tan ilaa 2005/2006 kadib markii hal daqiiqo iyo 29 il bidhiqsi loo taagay kaadhka.
  3. Barcelona ayaa gool ka dhalisay Real Madrid 23-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga waana rikoodhka ugu fiican ee taariikhda horyaalka iyo waliba kulanka El Clasico.
  4. Santiago Solari ayaa ah tababarihii ugu horeeyay ee Real Madrid ah ee ku fashilma in uu wax guul ah gaadho 3-diisii ugu horeeyay ee El Clasico tartamada oo dhan tan ilaa Leo Beenhakker 1987 kaas oo aan 4 El Clasico guul gaadhin.
  5. Barcelona aya noqdatay kooxdii ugu horaysay ee taariikhda tartamada oo dhan 3 guulood oo xiriir ah Real Madrid kaga gaadha garoonka Bernabeu.
  6. Barcelona ayaa noqotay kooxda ugu guulaha badan tartanka El Clasico ee tartamada oo dhan iyada oo gaadhay 96 guulood kadib markii ay bar-baro 95 kulan ah ahaayeen ka hor kulankii Xalay.
  7. Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa sii wada rikoodhkii xumaa ee Kulanka El Clasico ee garoonka Bernabue isaga oo aan waligii Barcelona guul ka gaadhin kulan uu ku bilowday kana dhacaya garoonka kooxdiisa
Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here