Dhribaax: Virgil van Dijk Oo Seegi Kara Kulanka Leicester City Xilli Dhibaatada Daafacu Wali Ku Sii Socoto Liverpool

Kooxda Liverpool ayay dhirbaaxo xun ku dhacday ka hor kulanka Premier League ay la ciyaari doonaan Leicester City Arbacada kana tirsan horyaalka premier League.

Virgil van Dijk ayaa laga yaabaa in uu seego kulanka premier League ee ay Liverpool marti galin doonto kooxda Leicester City Arbacada.

Xiddiga reer Holland ayaa xanuusan tan ilaa markii ay Liverpool u safartay Dubai si ay tababar ugu soo qaadato waliba ma dareensana in uu taam yahay.

Virgil van Dijk ayaa seegay tababarkii Isniintii sabab la xidhiidha xanuun xilli uu Jurgen Klopp tababar adag siiyay xiddigaha kooxdiisa.

Maqnaanshaha daafaca reer Holland ayaa dhirbaaxo ku noqon doonta Reds kuwaas oo tartan adag ugu jira hanashada horyaalka kaliyana 4 dhibcood ka horaysa kooxda Man City.

Klopp ayaa qiimayn doona xaalada daafaca dhexe marka ay maanta oo salaasa ah tababarka ku soo laabtaan xiddigaha kooxdiisu ka hor kulanka Leicester City.

Dhanka kale Dejan Lovren ayaa si buuxda ugu soo laabtay tababarka isaga oo diyaar u ah in uu badal u noqdo Van Dijk hadii uu taam noqon waayo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here