Dhirbaaxo: Xilli Ciyaareedka Hector Bellerin Oo Soo Dhamaaday Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay Kulankii Chelsea

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Hector Bellerin ayaa lagu soo waramayaa in uu seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib markii uu dhaawac xun ka soo gaadhay jilibka.

Bellerin oo 23 jir ah ayaa dhaawac soo gaadhay daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta iyada oo Arsenal 2/0 ku hogaaminaysa kulankii ay la ciyaarayeen kooxda Chelsea iyada oo lagu badalay Mohamed Elneny.

Kadib guushaas Unai Emery ayaa qirtay in uu filayo in uu Bellerin garoomada ka maqnaado muddo dheer waxana la xaqiijiyay wixii uu Emery ka cabsi qabay.

Sida laga soo xigtay The Guardian dhaawaca xiddiga ayaa ku dhibaatoon doona in uu mar kale u ciyaaro kooxdiisa Arsenal xilli ciyaareedkan.

Bellerin oo dhaawac ku seegay 4 todobaad ka hor dhaawacii kulankii chelsea ayaa la filayaa in ay shaxda Arsenal ka badalaan xiddigaha Ainsley Maitland-Nile ama Stephan Lichtsteirner.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here