Dhirbaaxo: Real Madrid Oo Kulanka Todobaadka Dambe Ee Alaves Waayi Doonnta Ugu Yaraan 3 Daafac, Ramos Ayaa Hogaaminaya.

Kooxda Real Madrid ayaa dhirbaaxo la kulantay kadib guushii weynayd ee ay xalay ka gaadhay kooxda Espanyol kana tirsanaa horyaalka La Liga.

Tababare Santiago Solari ayaa ugu yaraan kulanka Alaves ee todbaadka dambe waayi kara 3 daafac oo ka mid ah xiddigaha joogtada ah.

Sergio Ramos ayuu soo gaadhay dhaawac jilibka lugta bidix ah qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii ay isku dheceen xiddiga Sergio Garcia waxana lagu badalay Nacho qaybtii dambe ee ciyaarta.

Waxa la sugi doonaa in la ogaado inta uu leegyahay dhaawaca soo gaadhay kabtanka laakiin waxa uu haatan shaki ku jiraan kulanka toodbaadka dambe.

Waxa xaalada sii xumeeyay kaaadhkii casaa ee tooska ahaa ee loo taagay daafac Raphael Varane kaas oo isna ganaax ku maqnaan doona.

Sidoo kale Dani Carvajal ayaa kulankaas ganaax ku seegi doona kadib markii qaatay kaadhkii 5-aad ee Digniinta ahaa ee xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed ka hor kulanka Alaves ee Axada dambe Los Blancos ayaa Girona la ciyaari doonta Khamiista lugta 2-aad ee Copa Del Rey-ga iyaga oo haysta daafacyada Carvajaka iyo Varane.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here