Dhirbaaxo: Masiibada Dhaawacyada Daafaca Liverpool Oo Sii Kordhay & Xogtii Ugu Dambaysay Ee Laga Helay.

Jurgen Klopp iyo Liverpool ayaa la kulmay dhirbaaxo cusub oo kale kaas oo la xiriiira dhibaatada dhaawaca daafacyada ee sii weynaanaysa.

Tabababraha Liverpool ayaa qirtay in uu daafaca dhexe ee Joe Gomez u baahan karo qaliin kadib dhaawac soo gaadhay horayna uga kabsan waayay.

Trent Alexander-Arnold ayaan dhankiisa soo laaban doonin kulaka ay Liverpool la ciyaari doonto West Ham iyada oo sidoo kale dhirbaaxo kale la kulmay iyada oo laga cabsi qabo in uu Dejan Lovren dhaawac muruqa ah muddo bil ah ku maqnaan doono.

Lovren ayaa seegi doona kulanka West Ham halka baaritaan lagu samayn doono todobaadka dambe iyada oo laga wal-walsan yahay in uu seegi karo kulamo kale oo muhiim ah kadib marka ay Liverpool dib u bilowdo ciyaarista champions League.

Klopp ayaa qirtay in uu Gomez ka qayb qaadan doonin lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League waxana uu sheegay in uu u baahan karo qaliin marka la sameeyo baadhitaan dheeraad ah.

“Haa, waa soo kabsashada, waxana aan eegi doonaa waxa dhaca”ayuu yidhi “Miyuu u baahan yahay qaliin, ma garanayo, waa suurtagal laakiin waan eegi doonaa”.

Lovren ayaa dhankiisa dhaawac muruqa ah ka soo gaadhay kulankii Wolves ee FA Cup-ka kadib markii uu daqiiqadihii ugu horeeyay dhaawac uga baxay kulanka.

Xiddiga ayaa fadhiyay kaydka kulankii Leicester City laakiin waxa uu dhibaato ka dareemay muruqa waxana lagu samayn doonaa baadhitaan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here