Dhirbaaxo: Man City Oo Ay Dhirbaaxo Xun Ku Dhacday Ka Hor Kulanka Arsenal Ee Axada

Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa la ciyaarista kooxda Arsenal kulan ka tirsan todobaadkii 25-aad ee horyaalka premier League.

Man City ayaa guuldaro culus kala kulantay kooxda Newcastle bartamihii todobaadka taas oo keentay in ay 5 dhibcood ka dambayso hogaamiyayaasha Liverpool oo bar-baro la galay Leicester City.

Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in uu dhaawac soo gaadhay goolhahaya 1-aad ee kooxda Man City ee Edeson taas oo dhirbaaxo ku ah Guardiola.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Goolhayaha reer Brazil seegi karo kulanka Axada ee ay la ciyaari doonaan Kooxda Arsenal.

City ayaa dhibaato weyn ka wajahaysa dhanka goolka iyada oo uu horay uga dhaawacnaa Goolhaye Bravo kaas oo muddo garoomada ka maqnaa.

Dhaawaca Ederson ayaa la macno ah in ay Man City ku qasbanaan doonto in ay ciyaarsiiso da,yarka Arijanet Muric kaas oo kulamada koobabka u ciyaara City.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here