Dhirbaaxo: Liverpool Oo Xaqiijisay In Uu Daafaca Joe Gomez Mari Doono Qaliin & Kulamada Uu Seegi Doono Oo La Ogaaday

Kooxda Liverpool ayaa la kulantay dhirbaaxo xun kadib markii la xaqiijiyay in uu daafaca Joe Gomez u baahan yahay qaliin kadib dhaawac jab ah oo lugta ka soo gaaday muddo dheerna garoomada ka hor istaagay.

Daafaca ayuu dhaawac ka soo gaadhay lugta kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Burnley bilowgii bishii December waxana la filayay in uu garoomada ku soo laabto bartamaha bishii January.

Si kas ha hataatee xiddigan ayaan si buuxda uga kabsan dhaawaca waxana ay kooxdu haatan go,aansatay in qaliin lagu sameeyo xiddiga.

Gomez ayaa haatan la filayaa in uu garoomada ka maqnaado ugu yaraan 6 todobaad taas oo la macno ah in uu seegi doono kulamada Man United, Everton iyo Laba lugood ee kulanka champions League ee ay la ciyaari doonaan Bayern Munich.

Warkan ayaa wakhti xun u yimid kooxda Liverpool kuwaas oo haatanba uu ka maqan yahay Dejan Lovren kaas oo dhaawac muruqa ah uga maqan.

Gomez ayaa la filayaa in Maanta qaliinka loogu sameeyo London waxana uu Jurgen Klopp filayaa in ay xiddigaha Joel Matip iyo Virgil Van Dijk taam u ahaadaan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here