Dhirbaaxo: Barcelona Oo Xaqiijisay Mudada Uu Goolhaye Jasper Cillessen Ka Maqnaan Doono Garoomada

Kooxda Barcelona ayaa la kulantay dhirbaaxo kadib markii la xaqiijiyay mudada uu goolhayaha 2-aad ee Jasper Cillessen Ka maqnaan doono garoomada kubada cagta.

Ernesto Valverde ayuu ku soo kordhay madax xanuun dhanka doorashada ah ka hor Semi-finalka Copa Del Rey-ga ay la ciyaari doonaan Real Madrid kadib markii la xaqiijiyay in gaoolhaye Jasper Cillessen garoomada ka maqnaan doono muddo 6 todobaad ah kadib dhaawac soo gaadhay.

Goolhayaha reer Holland ayuu dhaawac soo gaadhay jimcihii intii lagu jiray tababarka kooxda waxana uu baadhitaankii lagu sameeyay muujiyay in uu muruqu go,ay Goolhayihii hore ee kooxd Ajax.

Waxa la filayaa in uu goolhaye Inaki Pena Badal u noqdo goolhaye Cillessen Inta uu ku maqan yahay dhaawaca.

Dhaawaca Goolhaye Cillessen ayaa cadaadiska ku badinaya goolhaye Marc-Andre ter Stegen Waliba sabab u noqon doona in uu ciyaaro dhamaan kulamada kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here