Dhaawacayada Oo Ku Sii Badanaya Man City & Pep Guardiola Oo Ka Warbixiyay Xaalada Kevin De Bruyne

Dhaawacyada ayaa isku soo taraya kooxda Man City kadib markii uu dhaawac soo gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne kaas oo dhaawac uga baxay kulankii ay Man City guusha ka gaadhay Bournemouth.

Kevin De Bruyne ayaa dhaawac uga baxay si toos ahna u aaday qolka Labiska ka hor dhamaadkii qaybtii hore isaga oo uu soo gaadhay dhaawac muruqa u muuqday.

Tababare Pep Guardiola ayaan xaqiijiyay in uu xiddigii hore ee chelsea garoomada ka maqnaan doono muddo kadib dhaawacii ka soo gaadhay Kulankii Bournemouth.

“Kevin waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa maalmo, dhaawaca soo gaadhay ayaa ah mid muruqa ah”ayuu Guardiola yidhi.

Tababarihii hore ee Barcelona ayaa sidoo kale ka warbixiyay John Stones oo ah xiddigii 2-aad ee Man City ah ee dhaawac uga baxa kulanka.

Laakiin daafaca reer England ayuu war fiican ka soo saaray dhaawaciisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here