Derby England… Sirta Ka Dambaysa Cadaawada Xoogan Ee Ka Dhexaysa Man United & Liverpool

0

Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda ay sida weyn ula xafiiltanta ee Liverpool kulan ka tirsan horyaalka premier league todobaadkiisii 27-aad.

Kulanka ayaya labada kooxoodba u dagaalamayaan u jeedooyin gaar ah oo ay ka go,antahay in ay guul ugu gaadhaan kulanka.

Kooxda Man United ayaa u dagaalamaysa sidii ay u sii haysan lahayd kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Dhanka kale Liverpool ayaa u dagaalamaysa sidii ay u sii haysan lahayd ulana wareegi lahayd kaalinta 1-aad ee horyaalka premir League.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa sababta ka dambaysa cadaawada taariikhiga ah ee u dhexeeya Liverpool iyo Man United.

Bilowgii cadaawada Man United iyo Liverpool:

Derby-ga England, Derby-ga Woqooyi-Galbeed, Derby-ga Dagaalka taariikhda & Magaca dhamaantood waa magacyo loogu yeedho kulanka dhex mara Liveroool iyo Man United.

Tartanka labada Kooxood ayaa ku bilowday wax ka fog kubada cagta kaas oo bilowday qarnigii 19-aad markaas oo ay magaalada Liverpool caan ku ahayd Dekada webiga Merseyside.

Dhanka kale Magaalada Manchester ayaa caan ku ahaa wax soo saarka, wakhtigaas dadka daganaa Magaalada Manchester ayaa samaystay Dekad ay ugu soo xidhaan maraakiibtu halka ay tagi lahaayeen Magaalada Liverpool.

Sanadkii 1894-kii Waxa la furay dekada waxana ay keentay in ay maraakiibtii ku xidhan jiray magaalada Liverpool gabi ahaan u soo wareegaan magaalada Manchester waxana ay taasi Liverpool ku keentay dhaqaale la,aan waxa ay arintaas sabab u noqotay in ay dadka ku nool Liverpool cadawgooda ugu weyn ee 1-aad ka dhigtaan magaalada Manchester.

Halkaas ayayna ka bilaabatay caadawada labada magaalo oo xitaa gaadhay dhanka ciyaaraha kubada cagta kulankii ugu horeeyay ee dhex mara kooxaha Liverpool iyo Man United sanadkii 1894-kii waxa guul gaadhay magaalada Liverpool oo ku badisay 2/0.

Xaqiiqada ayaa ah in ayna cadaawadu halkaas ku joogsan laakiin gaadhay in magaalada Liverpool gabi ahaan laga ganaaxo Magaca Manchester.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here