Denis Suarez Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Ku Laabanayo Barcelona

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Denis Suarez ayaa ka hadlay wararka la xiriiirnaya in uu ku laabanayo kooxda Barcelona maadama ayna Arsenal si toos ah ula wareegi doonin xagaaga.

Denis Suarez ayaa amaah ugu jooga kooxda Arsenal isaga oo kaga soo biiray Barcelona suuqii January laakiin ku dhibaatoonaya in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda Arsenal.

Waxa maalmihii ugu dambeeyay la sheegayay in ayna Arsenal si toos ah ula wareegi doonin Suarez marka la gaadho dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer ayaa u muuqda mid beeninaya wararkaa kadib markii uu baraha bulshada ugu jawaabay wararka sheegaya in uu ku laabanayo Barcelona.

Suarez ayaa bartiisa Bulshada ku qoray”Waligoodba Ha Iska Hadlaan”.

Suarez ayaa kaliya kooxdiisa Arsenal u ciyaaray 6 kulan oo dhamaantood uu kaydka ka soo kacay isaga oo aan wali wax gool ah dhalin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here