Denis Suarez Oo Dabka Ku Sii Shiday Wararka La Xiriirinaya Arsenal & Hector Bellerin Oo Sabab U Ah

0

Xiddiga sida weyn loola xiriirinayo kooxda Arsenal ee Denis Suarez ayaa qaaday talaabo dabka ku sii shiday wararka la xiriirinaya kooxda Arsenal.

Denis Suarez Ayaa hadal ka yidhi qoraal uu Instagram-ka soo dhigay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Hector Bellerin.

Xiddiga kooxda Barcelona ayaa si xoogan loola xiriirinayaa in uu u soo dhaqaaqi karo premier League inta lagu jiro suuqa Jnauary iyada oo Arsenal tahay kooxda sida weyn u doonaysa.

Suarez ayaana dabka ku sii shiday wararkaas kadib markii uu hadal ak yidhi qoraal uu baraha bulshada soo dhigay xiddiga ay isku dalka yihiin ee Bellerin.

Daafaca Midig ayaa si weyn u taageera xayaysiinta dharka kala duwan waxana uu go,aansaday in uu sawiradiisii ugu dambeeyay soo dhigo baraha bulshada.

Suarez ayaa xiddiga reer Spain ugu jawaabay “Tienes cosas” oo la macno ah “Wiyaad samaysaa mar walba waxan”.

Xiddiga kooxda Arsenal ayaa ugu jawaabay xiddigii hore ee Man City “Alguna que otra” oo la macno ah” Marar”.

Labada xiddig ayaa iska soo garab ciyaaray xulka qaranka Spain iyaga oo kaliya u wada ciyaaray 4 kulan oo ay ugu dambaysay 2016 kulan uu xulka Spain la ciyaarayay xulka Bosnia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here