Dembele, Alderweireld, Icardi, Werner, Griezmann, Pogba & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga

0

Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furi kara kooxaha xiddigaha ay doonayaan in ay helaan adeegooda.

Inkasta oo uuna wax heshiis ah haatan dhici karin oo uuna xiddig-na ku biiri karin koox kale hadana waxa ay heshiis la sii gaadhi karaan xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Man United ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Lyon ee Moussa Dembele kaas oo 18 gool ka dhaliyay kooxdiisa Lyon xilli ciyaareedkan (Mirror).

Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Tottenham ee Toby Alderweireld (Talksport).

Xiddiga lala xiriirinayo kooxaha Man United iyo Man City ee khadka dhexe uga ciyaara kooxda West Ham ee Declan Rice ayaa si lama filaan ah bartilmaameed ugu noqday kooxda Rela Madrid (Star).

Kooxda Man United ayaa loo sheegay in ay miiska saaraan lacag dhan 95 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Christian Eriksen (Express).

Kooxda Inter Milan ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Tottenham kaas oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham Christian Eriksen (Tuttosport).

Xiddiga reer Argentine ee Mauro Icardi ayaa ku dhaw in uu 52 milyan oo euro ugu biiro kooxda Real Madrid (AS).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Timo Werner ayaa kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xilli lala xiriirinayo Kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool (Sky Germany).

Kooxda chelsea ayaa si gaar ah ula socota weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Alexander Isak inkasta oo ay tartan kala kulmayaan kooxda Real Madrid (Sun).

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa sheegay in ay kooxdu iibin doonto xiddigo badan oo muhiim ah marka la gaadho xagaaga xilli ay isku shaandhayn weyn ku samayn doonaan kooxda (Sky Sport).

Laakiin Zidane ayaa meesha ka saaray in ay kooxdu iibin doonto weeraryahanka kooxda ee Karim Benzema marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga (Marca).

Antoine Griezmann ayaa isaga tagi doona kooxda Atletico Madrid kuna biiri doona kooxda cusub ee uu tababare Jose Mourinho tababaraha u noqdo (Don Balon).

Kooxda Barcelona ayaa gabi ahaan isaga hadhay tartankii ay ugu jirtay saxiixa weeraryahanka Luka Jovic (Mundo Deportivo).

Kooxda Man United ayaa ka mid ah 11 kooxood oo indha indheeyayaal u diray xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Sporting Lisbon Bruno Fernandes (O Jogo).

Man United ayaa wakiilka Paul Pogba u sheegtay in uuna xiddigu khadka dhexe si fudud uga tagi doonin kooxda Marka la gaadho xagaaga (Marca).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here