Demba Ba Oo Milix Mariyay Nabarkii Ay Chelsea Baday Liverpool 6 Sano Ka Hor Kuna Digtay Siibashadii Steven Gerrard

0

Xiddigii hore ee kooxda chelse Demba Ba ayaa taageerayaasha Liverpool xasuusiyay siibashadii Steven Gerrard ee caanka noqotay ka hor kulanka Axada ay Blues booqan doonto Anfield.

Khaladkii Steven Gerrard ayaa Ba u ogolaaday in uu dhaliyo goolka 1-aad ee Chelsea iyada oo khaladkaas loo arko sababtii ugu weynayd ee ay Liverpool ku wayday fursadii ay ugu guulaysan lahayd horyaalka premier League sanadkaas.

Chelsea ayaa Anfield booqan doonta Axada iyaga oo rajaynaya in ay mar kale bur-buriyaan rajada Liverpool ee ku guulaysiga horyaalka hadyad weyna u diraan kooxda Man City.

Laakiin Ba oo ka hadlay dhacdadaas ayaa sheegay in uuna u nixin Liverpool iyo waliba Gerranrd kuna farxay in uu niyad ka jabiyay taageerayaasha Liverpool.

“Waxa aan odhan karaa in uu Jose Mourinho shaxda ku soo galay xiddigo da,yar u badan”ayuu Ba u sheegay Sun.

“Xiddigo badan oo kulankaas ku bilowday ayaan si joogto ah ugu ciyaari jirin kooxda 1-aad”.

“Sidaas dartee waxa aan ku galnay kulanka saidaas, laakiin waxa aan filaynay in aanu badino”.

“Umaan Nixin Gerrad sababta oo ah ma ihi taageere Gerrard ah ama Liverpool ah”ayuu Ba sii raaciyay.

“Sidoo kale ma ihi taageere Man City ah kumana faraxsanayn in ay ku guulaysteen horyaalka waxa ay kaliya ahayd qayb ka mid ah ciyaarta”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here