DEG-DEG: Real Madrid Oo Xaqiijisay In Ay Shaqada Ka Caydhisay Tababare Santiago Solari & Zinedine Zidane Oo Badali Doona

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu tababare Zinedine Zidane ku soo laabtay shaqada tababaranimo ee kooxda Real Madrid.

Maamulka Los Blancos ayaa xaqiijiyay in uu Tababare Santiago Solari isaga tagi doono Kooxda 1-aad ee Real Madrid Laaskiin la siin doono fursad uu kooxda ku sii joogo.

Tababare Zidanedine Zidane ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu kooxda Real Madrid ku sii hogaamin doono ilaa xagaaga 2022.

Zidane ayaa ku soo laabtay kooxda Real Madrid 10 bilood kadib markii uu isaga tagay kooxda kadib markii uu kula guulaystay 3 champions League.

Tababaraha reer France ayaa si Rasmi ah ula wareegi doona kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan iyo waliba wixii ka dambeeya.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here