DEG DEG: Cesc Fabregas Oo Ka Tagay Kooxda Chelsea”Laacibka Oo Durbaka Shirkii JaraIid Kaga Hadlay Waxa Uu u Qabanayo Kooxdiisa Cusub.

0

Xiddiga qadka dhexe Chelsea Cesc Fabregas ayaa ku biiray kooxda reer France ee Monaco isagoona qalinka ugu duugay heshiis saddex sano iyo bar ah.

31-jirka reer Spain ayaa kabtan u xirtay Blues ciyaartii FA Cup ay ka adkeedeen Nottingham Forest sabtidii waxaana la arkayay isagoo ilmeynaya kaddib mar uu macsalaameenayay taageerayaasha oo u sacbo tumayay.

2014-kii ayuu ku soo biiray kooxda reer London isagoona ka yimid Barcelona, 303 kulan ayuu sidoo kale u ciyaaray Arsenal sanadihii u dhexeeyay 2003 and 2011

Waa farxad wayn inaan ku biiro AS Monaco, mashruuc Cusub ayuu ii yahay aniga,” Fabregas ayaa sidaa yiri.

“Waxaan halkan u joogaa inaan kooxda Caawiyo, Waxaan ka dhursugayaa inaan ku soo bilowdo. Aad ayaan u faraxsanahay.”.

Ku biirista Fabregas ee Monaco ayaa ka dhigan inuu dib ula midoobi doono saaxiibkii hore ee Arsenal Thierry Henry kaa oo Tababare u ah kooxda reer France.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here