DEG DEG: Arsenal Oo Ugu Dambayn Ku Dhawaaqday Saxiixa Denis Suarez Oo Ay Kala Soo Wareegtay Barcelona

Kooxda Arsenal ayaa Si Rasmi ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga Denis Suarez kaas oo ay kala soo saxiixdeen kooxda Barcelona.

Xiddiga reer Spain ee Denis Suarez ayaa Arsenal ugu soo biiray heshiis amaah ah oo ilaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ah.

25 jirkan khadka dhexe ka ciyaara ayaa dib ula midoobay tababare Unai Emery oo ay wakhti ku soo wada qaateen Spain xilli ciyaareedkii 2014/2015.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in uu Denis Suarez nagu soo biirayo, waa ciyaaryahan aan aqaano, horayna ula soo shaqeeyay, waxana uu kooxda ku soo darayaa tayo iyo dookh badan, waxana uu caawin doonaa kooxda”ayuu Emery yidhi.

Xiddigan oo Unai Emery kula guulaystay tartanka Europe Leageu ayaa sidoo kale ka ciyaari kara khadka dhexe iyo waliba weerarka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here