DEADLINE DAY! Xiddigaha Ay Kooxda Arsenal Dhamaystiri Karto Saacadaha Soo Socda Inta Uuna Suuqu Xidhmin.

Kooxda Arsenal ayaa noqon doonta kooxda ugu mashquulka badan suuqa Kala iibsiga January oo ah maalintii ugu dambaysay.

Gunners ayaa lala xiriirinayaa xididgo badan oo ay doonayso in ay ku xoojiso kooxdeeda inta lagu guda jiro suuqa January ee bishan.

Arsenal ayaa lala xiriirinayaa 5 xiddig kuwaas oo laga yaabo in ay qaar ka mid ah dhamaystirto adeegooda inta lagu jiro saacadaha soo socda.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegaysa in ay shaki la,aan tahay in ay Arsenal saacadaha soo socda ku dhawaaqi doonto saxiixa Xiddiga Denis Suarez.

Sidoo kale kooxda Arsena oo suuqa ugu jirta xiddig garabka weerarka ka ciyaara ayaa doonaysa xiddigaha Ivan Perisic iyo Yannick Carrasco oo ay wadahadalo kula jiraan.

Arsenal ayaa sidoo kale saacadihii la soo dhaafay si lama filaan ah xiiso ugu muujisay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Monaco ee Youri Tielemans.

Si la mid ah xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Everton ee Idrissa Gueye ayay kooxda Arsenal si gaar ah isha ugu haysaa adeegiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here