DEADLINE DAY LIVE: Yannick Carrasco, Gary Cahill & 6-da Saxiix Ee Dhici Kara Saacadaha Soo Socda Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa Janaury ee bishan ayaa ah mid aad u u dagnaa oo aan lahayn dhaq-dhaqaaqyo badan marka loo eego sanadihii ugu dambeeyay.

Laakiin waxa dhici kara saacadaha soo socda saxiixyo badan oo ay kooxaha kala duwan ee yurub samayn karaan si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Waxa jira xiddigo dhawr ah oo raadinaya in ay ku biiraan kooxo ay si joogto ah ugu ciyaaraan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Chelsea, Arsenal iyo waliba kooxo kale ayaa saacadaha soo socda suuqa u gali doona sidii ay xiddigo cusub ula soo saxiixdaan.

Hadaba waxa aan Halkan ku soo bandhigi doonaa 6 saxiix ee laga yaabo in ay dhacaan saacadaha soo socda ee maanta.

Idrissa Gueye: Inkasta oo ay Everton diidan tahay in ay iibiso xiddiga hadana waxa si weyn loola xiriirinayaa kooxda PSG isaga oo warqada bixitaanka u gudbiyay kooxdiisa Everton.

Yannick Carrasco: Kadib Markii la xaqiijiyay saxiixa Denis Suarez hadana kooxda Arsenal ayaa wali doonaysa saxiixa xiddiga 25 jirka ah ee garabka uga ciyaara ee Yannick Carrasco.

Michy Batshuayi: Kooxda West Ham ayaa doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Michy Batshuayi kaas oo ay amaah ku doonayso xiddiga reer Belguim.

Gary Cahill: Khabiirkan reer England ayaa u muuqda mid aan mustaqbal ku lahayn kooxda Chelsea waxana uu xiiso ka helayaa kooxaha Arsenal iyo Crystal Palace.

Charlie Austin: Xiddigan ayaa ka baxay qorshaha kooxda Southampton waxana lala xiriirinayaa kooxaha Cardiff City iyo Wolverhampton Wanderers.

Peter Crouch: Xiddiga khabiirka ah ee Peter Crouch ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Stoke City isaga oo isha ku haya in uu ku biiro kooxdiisii 12-aad ee xirfadiisa ciyaareed waxana lala xiriirinayaa kooxda Burnley.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here