Messi ayaa xalay qasaariyay rogooradii labaad ee ay heshay kooxdiisa Barcelona intii lagu jiray kulankii xalay ee La Ligaha .
Kulankaas ayay Barcelona ku badiyeen hal gool oo rigoore ahaa oo uu dhaliyay Messi , hadabaa laacibkaas Barca imisa rigoore ayuu qasaariyay aayihiisa kubadeed ee Barca.
Tan iyo sanakdii 2004-yii oo uu bilaabay safashada kulamada Barca waxa uu Messi uu u laaday kooxdaas 89 rigoore guud ahaan tartamada .
Waxa uu laacibkaas dhaliyay 68 rigoore halka uu qasaariyay 21 kale dhamaan tartamada .
Dhanka kale Messi ayaa sara u qaaday goolashiisa xilli ciyaareedkaan , waxa uuna gaaray 30 gool halka 17 kalana uu sameeyay dhamanaan tartamada ay kooxdaas ku jirto ee kala ah La La Ligaha , Cope Del Rey , Supercopa iyo Champion-ka
Dhanka La Ligaha waxa uu Messi leeyahay xilli ciyaareekaan 22 gool halka uu sameeyay 10 kale isaga ayaan haya hogaanka gool dhalinta La Ligaha