Da,yarka Liverpool Ee Trent Alexander-Arnold Oo Isku Qoray Taariikhda Premier League Kadib Saddexleydii Caawinta Ahayd Ee Kulankii Watford

Kooxda Liverpool ayaa guul weyn oo ay u qalantay ka gaadhay kooxda Watford kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Anfield.

Goolal ay dhaliyeen Sadio Mane (2), Divock Origi Iyo Virgil Van Dijk (2) ayaa Liverpool ka caawiyay in ay xasuuqdo kooxda Watford.

Xiddiga garoonka ayaa ahaa da,yarka daafaca Midig uga ciyaara Kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold kaas oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Da,yarka reer England Trent Alexander-Arnold ayaa caawiye ka noqday 3 ka mid ah 5-tii gool ee ay dhalisay kooxdiisa Liverpool kulanka.

Kadib saddexleydaas caawinta ah xiddiga da,yarka ah ee Trent Alexander-Arnold ayaa isku qoray taariikhda horyaalka premier League.

Trent Alexander-Arnold ayaa noqday xiddigii abid ugu yaraa ee kulan kaliya oo premier League ah caawiye ka noqday 3 gool isaga oo jira 20 sano iyo 143 maalmood.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here