David Luiz: Qofka Dhaleeceeya Jorginho Waxba Kam Yaqaano Kubada Cagta

Daafaca kooxda Chelsea ee David Luiz ayaa difaacay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Jorginho isaga oo sheegay in dadka dhaleecaynaya Jorginho in ayna waxba ka aqoon kubada cagta isaga oo tilmaamay in muhiimada xiddiga reer Italay ahayn in uu goolal dhaliyo aa caawiyo.

Jorginho ayaa weerar kala kulmay saxaafada iyo waliba khabiirada kubada cagta kadib markii uu ku fashilmay in uuna wax caawin ah samayn ilaa haatan xilli ciyaareedkan inkasta oo uu dhiibay 2,000 baas.

Laakiin Luiz Ayaa sheegay in ay dhaleeceeyayaashu mar hore eegaan tayada kale ee xiddiga khadka dhexe.

“Waan ogahay waxa uu Jorginho yahay”ayuu Luiz yidhi ka hor lugta 2-aad ee semi-finalka Caraboa cup-ka ay la ciyaari doonaan Tottenham.

“Markii aan dib ugu soo laabtay chelsea, waan xasuustaa maalintaygii ugu horaysay, dadka oo dhan way igu qoslayeen haatan waxa ay ii Ixtiraamaan si weyn”.

“Dadku waxa ay leeyihiin fikirkooda, laakiin hadii ay muujiyaan ixtiraam weyn way fiicnaan lahayd, laakiin adduunka dadka qaar ayaan lahayn aqoon ama qirasho, Jorginho waa xiddig weyn”.

“Sababta oo ah waxa uu u ciyaaraa kooxda chelsea, marka aad u ciyaarto chelsea, oo koox weyn ah, waa in aad fahamto qof walba wuu ku dhaleecayn doonaa, laakiin marka ay war walba si fiican kuugu socdaan qof walba wuu kuu sacabinayaa”.

“Marka aad joogto koox weyn waa in aan iska fahamto taas waa iska caadi, waa xiddig u ciyaara heerkiisa ugu sareeya wakhti dheer”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here