David Luiz Oo Kashifay Wixii Uu U Sheegay Kepa Arrizabalaga Markii Uu Diiday In Uu Ciyaarta Ka Boxo Kulankii Man City.

Daafaca kooxda Chelsea ee David Luiz Ayaa kashifay wixii uu goolhaye Kepa Arrizabalaga u sheegay markii uu diiday in uu ka boxo ciyaarta kulankii ay chelsea guuldarada rikoodhayaasha ah kala kulantay Man City finalkii Carabao cup-ka.

David Luis ayaa sheegay in uu Kepa Arrizabalaga u sheegay in uu Ixtiraamo go,aanka tababaraha kadib muran badan oo dhacay intii lagu jiray kulanka.

Goolhayaha reer Spain ayaa diiday in badal lagu sameeyo daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaartii ka dhacday garoonka Wembley.

Sarri ayaa doonayay in uu Willy Caballero galo ciyaarta si uu u ciyaaro gool ku laadka laakiin Kepa Arrizabalaga ayaa diiday.

Xilli uu garsooruhu si aad ah uga xanaaqay ficilka goolhaya waliba isku dayay in uu isaga boxo ciyaarta Luiz ayaa isku dayay in uu Kepa Arrizabalaga ku qanciyo in uu ciyaarta ka boxo laakiin wuu iska diiday.

“Waxa aan u sheegay in uu Ixtiraamo go,aanka tababaraha”ayuu Luiz yidhi ciyaarta kadib.

Ciyaarta kadib Sarri ayaa hoos u dhigay xaalada kuna tilmaamay is faham la,aan dhacday laakiin xaqiijiyay in uu si gaar ah ula hadi doono goolhayaha si uu xaalka u kala cadeeyo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here