David Dea Oo Wali Diidan In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Kooxda Man United, Sabab

Goolhayaha Kooxda Man United ee David De Gea ayaa wali diidan in uu ogolaado in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United.

David Dea oo dalbanaya in miiska loo saaro 350 kun oo Gini todobaadkii ayaa wali diidan in uu hoos u dhigo dalabkiisa ku aadan heshiiska cusub.

Goolhayaha reer Spain ayaa u sheegay maamulka Red Devils in uu diyaar u yahay in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda laakiin uu kaliya diyaar u yahay in uu sidaas sameeyo hadii uu helo qiimaha macquulka ah.

Taas ayaana la macno ah in uu doonayo in laga dhigo xiddig la mushahar ah xiddiga kooxda Alexis Sanchez kaas oo ah xiddiga ugu mushaharka badan kooxda.

United ayaa diidan in ay la kulanto dalabka De Gea laakiin wali ku kalsoon in ay heshiis la gaadhi doonto goolhayaha reer Spain.

Kooxda ayaa ku qasbanaatay in ay dhaqan galiso heshiiska halka sano ah ee ku jiray heshiiskiisa bishii November si ay uga hor istaagaan si uu heshiis ula sii gaadho kooxaha reer yurub.

Inkasta oo ay kooxdu u malaynaysay in wakhtiga dheeraadka ah uu ka caawin doono in ay la gaadho heshiis kuna xalin doonaan xaalka wali waxba ismay badalin sababo la xiriiira qiimaha uu xiddigu dalbanayo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here