David De Gea: Waa Tan Manchester United-tii Dhabta Ahayd.

Goolhayaha Kooxda Man United ee David De Gea ayaa ka hadlay guushii ay Red Devils ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

David De Gea ayaa ahaa xiddiga garoonka kadib markii uu Tottenham ka hor istaagay ugu yaraan 5 gool oo ay dhalin kareen intii ay socotay ciyaartu.

De Gea oo la hadaya Sky Sport ciyaarta kadib ayaa yidhi”Waxa aan dareemay in aan guul gaadhayno kulanka kadib markii aan badbaadiyay labadii fursadood ee ugu horaysay, waxa aan soo bandhignay qaab ciyaareed fiican waxana aan 3 dhibcood ka qaadanay Wembley”.

“Waxa aan garaacnay koox weyn waxa aan maamulnay qaybtii hore laakiin qaybtii dambe ayay heleen fursado badan laakiin waxa aan ciyaarnay kulan fiican guud ahaan”.

“Kooxdu waxa ay u ciyaaraysa si fiican tababaraha ayaana noo keenay farxad waxana aan noqonay koox adag”.

De Gea ayaa hadalkiisa ku soo xidhay” Waa Tan Manchester-tii dhabta ahayd”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here