David De Gea Oo Tilmaamay Waliba Amaanay 2 Xiddig Oo Ka Dambeeya Qaab Ciyaareedka Man United, Mana Ahan Pogba & Rashford

Goolhayaha Kooxda Man United ee David De Gea ayaa Amaan ugu qubeeyay laba xiddig oo Man United ah waliba sheegay in ay sabab u yihiin qaab ciyaareedka Cajiibka ah ee Man United ee kulamadii ugu dambeeyay.

De Gea ayaa amaanay xiddigaha daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Phil Jones & Victor Lindelof kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen kulamadii ugu dambeeyay.

Labada daafac ayaa ku bilowday shan ka mid ah 8-dii kulan ee uu tababare Ole Gunnar Solskjaer hogaaminayay kooxda waliba guul ka caawiyay kooxda.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa si cajiib ah ku bilowday shaqada Man United isaga oo dib u soo celiyay qaab ciyaareedkii weerarka ahaa kooxdana dib ugu soo celiyay tartanka kaalinta 4-aad.

Goolhayaha reer Spain ayaana aaminsan in qaab ciyaareedka Jones iyo Lindelof ay laf dhabar u yihiin guulaha Man United.

“Waxan u malaynayaa in qaab ciyaareedka kal Jones iyo Lindelof door muhiim ah ka qaatayy qaab ciyaareedka kooxda”ayuu De Gea u sheegay Man United.com.

“Waxa ay ku raaxaysteen qaab ciyaareed cajiib ah waxana ay ahaayeen qaar fiican, waxan u malaynayaa in ay si fiican isku baran doonaan hadii ay sii wadaa in ay iska garab ciyaaraan”.

“Dhamaan daafacayada ayaa qabanayay shaqo fiican, waxana u malaynayaa hadii ay daafacyadu si fiican u ciyaaraan in ay kalsooni weyn siiso dhamaan kooxda”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here