David De Gea Oo Maamulka Man United Farta Ka Saaray Mustaqbalkiisa Old Traffrod

Goolhayaha kooxda Man United ee David De Gea ayaa si cad Ugu sheegaya Man United in uu diyaar u yahay in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda.

United ayaan wali heshiis cusub ka saxiixan David De Gea laakiin Red Devils ayaa haatan ku kalsoon in ay ka saxiixan karto xiddiga.

Goolhayaha reer Spain ayaa markii hore ka wal-walsanaa mustaqbalka kooxda laakiin tababaraha ku meel gaadhka ah ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa dib u soo celiyay kooxda Man United xilli ay kooxda haatan ka go,antahay in ay ku guulaysato koobab.

United ayaa dhaqan galisay heshiiskii 12-ka bilood ahaa ee ku jiray heshiiskiisa bishii November kaas oo kooxda ku sii hayn doona ilaa xagaaga 2020.

De Gea oo 28 jir ah ayaa loo arkaa goolhayaha ugu fiican adduunka inkasta oo shaki weyn galay wakhtigii uu United jose Mourinho hogaaminayay.

Haatan wargayska Daily Mirror ayaa sheegaya in uu Goolhayaah reer Spain diyaar u yahay in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo United heshiis cusubna u saxiixo kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here