Dani Alves Oo Noqday Xiddiga Ugu Guulaha Badan Taariikhda Kubada Cagta, Imisa Koob Ayuu Ku Guulaystay?

0

Daafaca kooxda PSG iyo xulka qaranka Brazil ee Dani Alves ayaa ku guulaystay koobkiisii 42-aad ee xirfadiisa ciyaareed kadib markii ay kooxda PSG ku guulaystay horyaalka Ligue 1.

Kadib ku guulaysiga koobkaas Alves ayaa noqday xiddiga ugu guulaha badan taariikhda kubada cagta isaga oo ku guulaystay 42 koob xilli uu haatan jiro da,da 36 jirka.

Xiddiga ayaa dhaafay halyeeyga reer Masar ee Hossam Hassan kaas oo ku guulaystay koobabka ugu badan taariikhda kubada cagta adduunka kadib 41 koob oo uu ku guulaystay intii uu ciyaaryaya.

Waxa ku xiga xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Andres Iniesta kaas oo ku guulaystay 37 koob xirfadiisa ciyaareed isaga oo kula guulaystay kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain.

Waxa sidoo kale la koobab ah daafacii hore ee kooxda Barcelona ee Maxwell iyo waliba halyeeyga kale ee reer Masar ee Ibrahim Hassan kuwaas oo la koobab ah Anders Iniesta.

Alves ayaa bilaabay xirfadiisa ciyaareed sanadkii 2001 isaga oo koobabkiisii ugu horeeyay kula guulaystay kooxda Bahia isaga oo kula guulaystay koobabka Copa do Nordeste Iyo Campeonato Baiano championship.

Xiddiga ayaa ku biiray Seviila laakiin aan wax koob ah kula guulaysan saddexdiisii sano ee ugu horaysay laakiin sanadkii 2006 kula guulaystay UEFA Super Cup oo laba jeer ah.

Wixii intaas ka dambeeyay Alves ayaa ku biiray Barcelona isaga oo kula guulaystay sanadkii 2007 koobabka Copa del Rey & Spanish Super Cup Ka hor inta uuna xulka Brazil kula guulaysan koobka Copa America.

Alves ayaa Wixii intaas ka dambeeyay Barcelona kula guulaystay champions league, 6 La Liga, 4 Copa del Rey iyo 4 Spanish Super Cup.

Marka laga tago Spain Waxa uu ku guulaystay UEFA Super Cup, Club World cup oo saddex jeer ah halka uu 2 jeer xulka Brazil kula guulatsyay Confederations Cup.

Alves ayaa Juventus ku biiray sanadkii 2016 waxana uu kula guulaystay Serie A iyo Coppa Italia halka uu PSG kula guulataystay 4 koob oo ay laba horyaal ku jiraa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here