DAGAAL: Zinedine Zidane Oo Kala Dooranaya Shaqooyinka Real Madrid, PSG, Chelsea & Juventus- Kooxdee Ugu Nasiib Badnaan Doonta?

Zinedine Zidane ayaa noqday tababare dalabyo badan ka heli kara kubbada cagta kadib markii ay soo baxeen shaqooyin badan oo uu heli karo dhamaadka xili ciyaareed isaga oo waliba si buuxda diyaar ugu ah in uu ku soo laabto garoomada kubbada cagta kadib markii uu xili ciyaareedkan nasasho soo qaatay.

Kooxaha Real Madrid, Paris Saint-Germain, Chelsea iyo Juventus ayaa ah afarta kooxood ee uu midkood qaban doono Zidane iyada oo sababo kala duwani keenayaan in shaqooyin kooxahani ay dhamaadka xili ciyaareedkan tababarayaal cusub heli doonaan.

1-Xaalada Paris Saint-Germain Iyo Sababta Ay Zinedine Zidane Ku Doonayaan?

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa markale ku fashilantay in ay wax horumar ah ka sameeyaan tartanka UEFA Champions league iyaga oo qaab fadeexad ah uga hadhay tartanka Champions league waxaana sii socota inkaarta PSG ka haysata tartanka kaliya ee ay lacagaha waalida ah kooxdoodu ugu maal galiyeen in ay ku guulaystaan.

Paris Saint-Germain ayaa hadda quus ka taagan in Thomas Tuchel uu kooxda hogaamin karo kadib fashilkii kulankii Man United ee garoonkooda looga cidhibtiray Champions league iyaga oo waliba haystay guushii lugtii hore ee 2-0 ka ahayd.

Iyada macalinka xulka qaranka France ee Didier Deschamps uu ilaa sanadka 2020 si hayn doono shaqada xulkiisa France, Zidane ayaa noqday tababaraha ugu muhiimsan ee ay maamulka PSG diirada saari doonaan dhamaakda xili ciyaareedkan iyaga oo kula tartami doona kooxaha waa wayn ee Yurub.

Kadib fashilkii kooxda PSG ee garoonka Parc des Princes ee tartanka UEFA Champions League, waxay hadda la sheegayaa in Zidane uu noqon karo macalinka khibrada ugu wayn u leh Champions League ee ay maamulka PSG shaqaalaysiin karaan.

Paris Saint-Germain oo lacago waali ah ku maal galisay kooxdeeda si ay mar uun ugu guulaystaan Champions League ayaa wali aad uga fog in ay heerka dhamaadka soo gaadhi karaan, waxaana wali suuqa laga heli karaa Zidane oo saddex jeer oo xidhiidh ah koobkan ka soo caawiyay Real Madrid.

Sidaa daraadeed, dhamaadka xili ciyaareedkan waxay PSG isku dayi doontaa in ay Zidane ku qanciyaan in uu kooxda hogaamiyo laakiin maamulka Paris ayaa tartan kala kulmaya kooxo kale oo aan sababta ay u doonayaan hoos kaga hadli doono.

2- Xaaladii Ugu Danbaysay Ee Xiisaha Chelsea Ee Zinedine Zidane Iyo Waji Gabaxa Ka Soo Kordhay Ganaaxii Suuqa Kala Iibsiga.

Muddooyinkii la soo dhaafay Chelsea ayaa ahayd kooxda ugu cad cad ee lala xidhiidhinayay Zinedine Zidane kadib markii ay maamulka Blues wada tashi ka yeesheen in ay macalinka reer France badal uga dhigtaan Maurizio Sarri oo xaalad adag ku soo maray Stamford Bridge.

Laakiin hadda isbadalo ayaa soo baxaya waxayna suurtogal ka dhigi karaan in Chelsea ay seegto fursadii ay ku doonaysay saxiixa Zinedine Zidane. Markii uu soo baxay warka ganaaxa suuqa kala iibsiga ee Chelsea ay kala kulantay FIFA, waxaa la xaqiijiyay in Zidane uu wali diyaar u ahaa in uu shaqada Blues qabto haddii shuruudaha uu doonayo la buuxiyo.

Laakiin arinta ayaa sii xumaatay markii uu xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA soo diiday in muddada la go’aaminayo rafcaanka ay Chelsea ka qaadatay go’aankan in ay suuqa sii gali karaan, taas oo Chelsea ay tilmaantay in ay amakaag ku noqotay.

Chelsea ayaa rafcaan u qaadatay maxkamada xalinta khilaafaadka Sportska CAS waxayna doonayeen in muddada rafcaankan go’aanka laga gaadhayo ay suuqa xagaaga sii gali karaan taas oo ay FIFA soo diiday, waana arin dhabar jab ku noqotay Chelsea iyo rabitaankii ay Zinedine Zidane iyo suuqa adeegiisa ku heli kari lahaayeen.

Chelsea ayaa la filayaa in ay shaqada ka caydhin doonaan Maurizio Sarri haddii aanu xili ciyaareedkan ku dhamaysan kaalmaha sare ee Champions league loogu soo baxayo iyada oo Blues laba qaab ugu soo bixi karta kuwaas oo kala ah in ay Europa League ku guulaysato ama ay afarta kaalmood ee Premier League ugu sareeya ku soo baxaan.

Waxa kale oo shaqada Chelsea iyo Zinedine Zidane shaki ku sii abuuraya haddii ay u soo bixi waayaan tartanka UEFA Champions league balse haddii Blues ay helaan fursad ay Champions League ugu soo bixi karaan isla markaana suuqa xagaaga loogu ogolaan karo in ay sii galaan, waxay wali haystaan fursad ay saxiixa Zinedine Zidane ugu dagaalami karaan.Riix 2 si aad xiisaha Real Madrid iyo Juventus ee Zidane u akhrisato.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here