Daawo: Wiilka Cristiano Ronaldo Oo Kulan Kaliya 7 Gool U Dhaliyay Juventus

0

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaan ku jirin qaabkii laga filayay kulankii Ajax si uu kooxdiisa u caawiyo uguna soo saaro wareega Semi-finalka tartanka champions League kuwaas oo guuldaro 2/1 ah kala kulmay kooxda Ajx kana hadhay tartanka.

Inkasta oo uu dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta hadana Cristiano ayaan soo bandhigin qaab ciyaareed cajiib ah iyada oo kooxda Ajax guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Juventus.

Laakiin Waxa jirta sabab ka farxinaysa Cristiano Ronaldo taas oo ah in uu wiilka uu dhalay ku jiro qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo u ciyaara da,yarka kooxda Juventus kalana qayb galay koob lagu qabtay Portugal oo ay da,yarka Juventus ka qayb galayaan.

Cristiano Ronaldo Jr ayaa 7 gool u dhaliyay kooxdiisa Juventus kulan kaliya xilli ay daawanaysay Ayeeydiis taas oo teegero u ahayd xilli uu aabihiis ciyaarayay Champions league.

Sida aabihiis ayuu Ronaldo Jr Leeyahay gool dhalin cajiib ah isaga oo Juventus ka caawiyay in ay koox ka gaadho guul 25/0 ah isaga oo waliba 7 ka mid ah dhaliyay goolashaas.

Ronaldo Jr ayaa sida aabihiis kooxda Juventus ee da,yarka u xidhan No.7 waliba hogaamiya weerarka kooxda Juventus mustaqabal fiicana ku leh kooxda Juventus sanadaha soo socda.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here