DAAWO: Waa Kuma Jean-Clair Todibo? Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Saxiixa Cusub Ee Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay Heshiis Rasmi ah la gaadhay xiddiga kooxda Toulouse ee Jean-Clair Todibo kaas oo si Xor ah ugu biiri doona Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska uu Jean-Clair Todibo kula jiro kooxda Toulouse ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu Barcelona ugu biiri doonaa heshiiska xorta ah.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa macluumaadka aad uga baahantahay saxiixa cusub ee kooxda Barcelona:

Waa Kuma Jean-Clair Todibo?

Jean-Clair Todibo ayaa dhashay 30 December 1999 isaga oo ku dhashay Cayenne, French Guiana waana xiddig ka ciyaari kara booska daafaca dhexe ama khadka dhexe.

Todibo ayaa ah xiddig dheer waana xiddig ka ciyaari kara daafaca dhexe iyo waliba khadka dhexe ee kooxdiisa waxana xulka qarankiisa uga ciyaaraa khadka dhexe marka loo eego awoodiisa marka uu kubada haysto.

Markii uu ahaa 8 jirka Todibo ayaa la kulmay shil ku qasbi gaadhay in uu gabi ahaan isaga tago kadib markii uu gaadhi ku dhuftay isaga oo ay jabeen lugta, Kuraanta iyo dhaawacyo kale oo badna.

Xirfadiisa Ciyaareed:

Xiddiga reer France ayaa u soo ciyaaray da,yarka kooxda FC Les Lilas ka hor inta uuna ku biirin kooxda Toulouse sanadkii 2016.

19 jirka ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda 1-aad saftay bilowgii xilli ciyaareedkan isaga oo jira 18 jir kulan ay kooxdiisu la ciyaaraysay kooxda Bordeaux kulankii 2-aad ee horyaalka Ligue 1.

Xiddiga ayaa guud ahaan saftay 10 kulan xlli ciyaareedkan dhamaantoodna ku bilowday kooxda 1-aad.

Inkasta oo uu daafaca dhexe uga ciyaara kooxdiisa hadana xiddiga da,yarka ah ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee xirfadiisa ciyaareed isaga oo goolka bar-baraha ka dhaliyay kooxda Rennes kulan dhacay 30 bishii September ee sanadkii 2018.

Xirfadiisa Heerka Caalami:

Jean-Clair Todib ayaa xulka qaranka France matalay 2 kulan gaar ahaan heerka da,doodu tahay 20 jirada.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here