Daawo: Sawir La Yaab Leh Oo Laga Sameeyay Qaabkii Ay Man United Arsenal Ugala Wareegtay Kaalinta 5-aad Ee Kala Saraynta Premier League.

Kadib kulamadii todobaadkii 25-aad ee horyaalka premier League waxa uu is badal ku dhacay kala saraynta salaanka premier League.

Arsenal ayaa bilowgii todobaadkan ku bilaabatay kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League kadib markii ay chelsea kala wareegtay bartamihii todobaadka kadib markii ay guuldaro kala kulmeen Bournemouth.

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa dhamaadkii kulamada isku aragtay kaalinta 6-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Chelsea ayaa ugu horayn guul weyn ka gaadhay Huddersfield taas oo Arsenal kala wareegtay booska 4-aad Arsenal-na ku qasabtay kaalinta 5-aad.

Kadib Man United ayaa guul ka gaadhay Leicester City taas oo keentay in ay Arsenal kaalinta 6-aad u dhaadhacdo kadib markii ay Arsenal guuldaro kala kulantay Man City.

Kadib markii ay Man United Arsenal kala wareegtay booska 5-aad una dhadhicisa booska 6-aad waxa baraha bulshada la soo dhigay sawir looga maadsaday qaabkii ay Man United Kooxda Arsenal ugala wareegtay booska 5-aad.

Sawirka ayaa lagu sameeyay Photoshop kaas oo laga sameeyay sawir uu Alexis Sanchez si khalad ah ugu fadhiistay kursiga tababare Ole Gunnar kadib uu ka kiciyay una tilmaamay kursigiisa.

Sawirka Alexis Sanchez ayaa lagu xidhay wajiga tababaraha Arsenal ee Unai Emery.

Labada kursig ayaa lagu kala qoray booskii ay Man United kala wareegtay Arsenal & Booskii ay u dhaadhicisay.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here