Gool rigoore ahaa oo uu dhaliyay Ronaldo ayaa Juventus ku hogaamiyay guul adag oo ay ka gaareen kooxda Lazio waqtigii geerida ee dhamaadka , waxa uuna laacibkaas dhaliyay goolkaas dhaliyay daqiiqaddii 88-aad ee .
Kulanka ayaa ahaa mid adag waxa uuna u muuqday mid ku dhaamanaya bar bar dhac min hal gool ah ka dib goolkii bar bar dhaca Juve ay heleen daqiiqaddii 74-aad xilligaas oo uu dhaliyay Joao Cancelo , waxa uuna goolka Lazio oo ahaa mid Juve iska dhaliyeen uu yimid daqiiqaddii 59-aad waxaana si qaldan ah isaga dhaliyay Emre Can
Juve waxaa qeybtii hore gaar ahaan daqiiqaddii 41-aad dhaawac looga saaray Leonardo Bonucci iyadoo xilligaas lagu soo badalay Giorgio Chiellini
Kulankaan oo lagu bixiyay 7 kaarka digniinta oo shan ka mid ah qaadatay Juve ayaa ahaa mid deg degsiimo leh waxa ayna labada koox soo bandhigeen awood xooggan oo maamulka kubadda ah
Marka guud ahaan laga hadlo maamulka Juve ayaa ku badneydn balse ma laheyn dhameystir xilli Lazio-na iyana ku wacnaayeen halista kubadaha rogaalka celiska ah waxa ayan Lazio cuneen dhowr fusrad oo xaqiiq ahaa iyadoo la xusi karo in Lazio biloowgii qeybta labaad ay cadaadis sareen Juve