DAAWO: Real Madrid Oo Guul Weyn Kala Soo Laabatay Espanyol , 4/2 Ayay Uga Badiyeen Xilli Benzema Uu Dhaliyay Laba Gool

Real Madrid ayaa 4/2 waxa ay uga soo talaabsadeen kooxda RCD Espanyol oo ay wada lahayeen kullan La Ligaha ah xilli Real kulankaas kaarka cas uu ka qaatay Varane , waxaana kulankaan wacdaro dhigay Benzema .

Qeybta hore waxaa lagu nastay 3/1 waxaana laba ka mid ah goolasha Real lahaa Benzema halka mid kalana uu lahaa Ramos kaasi oo ugu dambeyn dhaawac uga soo haray qeybta labaad waxaana la soo giliyay qeybta labaad Nacho .

Guud ahaan kulankaan waxaa maamulka kubadda ku xooganeyd Real kuwaasi oo dagaal ugu jiray in ay helaan goolal dheeraad ah waxaana jirtay fursado dhowr ay oo ay iska cuneen

Kooxda martida loo ahaa waxaa ku adkaa in sax ah ay kubadda u soo jiidaan waxaana daqiiqaddii 67-aad loogu daray gool 4-aad ee uu saxiixay Gareth Bale waxaan Real daqiiqaddii 72-aad kaarka cas laga siiyay daafacooda Varane

Xilli kubad haysashada dhanka Real aheyd ayay Espanyol heleen gool labaad daaqiiqaddii 81-aad waxa ayna guud ahaan ciyaarta ku dhamaatay 4/2 oo ay guusha ku raacday Real Madrid.

Waxaa xusid midan in Gareth Bale uu u ahaa goolkaas kiisii 100-aad ee aayihiisa Real Madrid waxa uuna noqday laacibkii 21-aad ee Real ah ee gaara goolka 100-ad

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here