DAAWO: Qaabkii Uu Sadio Mane Uga Fal Celiyay Goolkii Guusha Ee James Milner U Dhaliyay Reds Kulankii Fulham

Xiddiga garabka uga ciyaara Kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa si cajiib ah uga fal celiyay goolkii ay Liverpool wakhtiga dambe ka dhalisay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa premier League.

Sadio Mane ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Fulham ka hor inta ayna Fulham bar-barayn goolkaas.

Reds ayaa u muuqatay qaar bar-baro la galaya kooxda Fulham ka hor inta uuna Sadio mane shaqayn rikoodhe daqiiqadihii ugu dambeeyay.

James Milner ayaa u istaagay in uu dhaliyo rikoodhada si uu hogaanka ugu dhiibo kooxdiisa una soxo khaladkii uu galay sababtana u noqday in laga dhaliyo goolka 1-aad.

Milner ayaa sidii la filayay u dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa isaga oo hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/1.

Sadio mane ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira wakhtigii ugu dambeeya isaga oo gool dhaliyay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Kadib markii uu goolka dhaliyay waxa la arkay sadio Mane oo si cajiib ah uga fal celiyay dhulkana isku tuuray farxad darteed.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here