DAAWO: Mohamed Salah Oo Dhaliyey Goolkii Caqliga, Hoggaankana U Qabtay Tartanka Kabta Dahabka Ah

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa la wareegay tartanka kabtanka dahabka ah ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii uu ka sare maray Aubameyang oo ay uu dhexda kusoo gaadhay.

Mohamed Salah ayay wada jir u hayeen hoggaanka gool dhalinta laacibka Arsenal afka hore uga ciyaara ee Aubameyang oo uu Salah soo gaadhay hal usbuuc ka hor markii uu saddexley ka dhaliyey Bournemouth.

Salah oo haysta 10 gool ayaa waxa uu qayb ka noqday safka koowaad ee Liverpool ee kulanka Wolves, waxaana u suurtogashay in daqiiqaddii 18aad uu iska reebo Aubameyang, markaas oo uu dhaliyey gool qurux badan oo hal taabasho oo kaliya uu shabaqa ku dhex dhigay.

Kubbad uu dhinaca midig ka keenay xiddiga reer Brazil ee Fabinho, ayaa waxa diilinta ka dhex helay Mohamed Salah oo hal mar oo kaliya taabsiiyey lugta bidix isagoon xattaa jalleecin goolka iyo dhinaca uu ka xigo, waxaanay kubaddu si sahlan ku dhex gashay goolka Wolves.

Goolkan oo warbaahinta Ingiriisku u bixiyeen ‘Goolkii Caqliga’ ayaa waxa uu ahaa mid qurux badan oo u suurtogeliyey Liverpool inay hoggaanka ciyaarta qabato qaybta hore.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here