DAAWO: Man United Mise PSG? Kooxda Ay Barcelona Doonayso In Ay Ka Iibiso Philippe Coutinho Oo La Ogaaday?

Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa lala xiriirinayaa in uu isaga tagayo kooxda Barcelona iyada oo lala xiriirinayo kooxaha Man United iyo PSG.

Philippe Coutinho ayaa kaliya ku soo biiray Barceona suuqii January ee sanadkii hore isaga oo laga badiyay lacag dhan 142 milyan euro.

Laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda Barcelona waxana bilaabmay hadal haynta la xiriirinaya kooxaha Man United iyo PSG.

Coutinho ayaa ku faraxsan Barcelona wakhti xaadirkan laakiin hadii uu sii wado in uu kaydka fadhiyo waxa laga yaabaa in uu ka fiirsado in uu ka tago kooxda xagaaga dambe.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay PSG jeceshahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga si ay Barcelona uga aar gudato ku guulaysigii Frenkie De Jong saga.

Si kasta ha ahaatee Mirror ayaa sheegaya in ay Barcelona doonayso in ayna PSG ka iibin xiddiga reer Brazil taas oo la macno ah ay doorbidayso in ay ka iibiso kooxda Man United.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here