Daawo: Fal Celiskii Cristiano Ronaldo Kadib Markii Ay Juventus Ka Hadhay Champions League

Kooxda Juventus ayaa martay wadadii Real Madrid iyada oo ay garaacday kooxda laga yaaban yahay ee Ajax kana hadhay tartanka champions League xilli ciyaareedan kadib guuldaro ay kala kulantay kooxda Ajax kulan ka tirsanaa 8 dhamaadka tartanka champions League.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ay Juventus ka dhalisay kulanka isaga oo aan sidoo kale soo bandhigin qaab ciyaareed cajiib ah.

Taas ayaa la macno ah in uu Cristiano Ronaldo kaga hadhay tartanka 8 dhamaadka markii ugu horaysay muddo saddex sano ah maadama uu saddex sano oo xiriir ah ugu guulaystay tartanka.

Xiddiga ayaa si weyn uga niyad jabsnaa in ay kooxda Juventus ka hadho tartanka champions League isaga oo sameeyay fal celis la yaab leh markii uu ka sii baxayay garoonka.

Cristiano Ronaldo ayaa garoonka ka baxay isaga oo niyad jab dartiis madaxa lulaya waliba aan cid la hadlin kaligiisna ka baxay garoonak markii ay ciyaartu dhamaatay.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Fal Celiska Cristiano Ronaldo

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here