Daawo: Dhaawacii Naxdinta Lahaa Ee Soo Gaadhay Daafaca Arsenal Ee Hector Bellerin.

Kooxda Arsenal ayay ku dhacday dhirbaaxo xun kadib markii dhaawac xun garoonka looga saaray xiddiga daafaca uga ciyaara ee Hector Bellerin.

Xiddiga reer Spain oo dhawaan ka soo laabtay dhaawac ayaa u muuqday mid si xun uga dhaawacmay jilibka iyada oo ayna cidna u dhawayn.

Hector Bellerin ayaa xitaa kici waayay taas oo keentay in lagu qaado sariirta dhaawaca waliba oohin is qaban waayay markii garoonka laga saarayay.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Arsenal kuwaas oo u tartamada kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Halkan Ka Daawo Qaabka Uu Bellerin u dhaawacmay:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here