Daawo: Dabaal Deg Sabab U Noqon Kara In Ganaax Dusha Laga Saaro Cristiano Ronaldo, Kadib Kulankii Atletico Ayuu Sameeyay

Xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa khatar ugu jira in dusha laga saaro ganaax kadib dabaal degii uu sameeyay kadib dhamaadkii kulankii ay Juventus ka gaadhay kooxda Atletico Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay saddexleyda goolasha ah ee ay Juventus ku garaacday kooxda Atletico Madrid isaga oo kaligii ka reebay tartanka.

Kadib ciyaarta Ronaldo ayaa sameeyay talaabo dhaqan xumo ah taas oo uu ku mutaysan karo ganaax kulamada soo socda ee tartanka.

Cristiano Ronaldo ayaa dabaal degan ugu jawaabay tababaraha Atletico Madrid ee Diago Simeone kaas oo isa ficilkaas sameeyay kulankii Lugtii hore ee Ay Atletico Madrid garaacday Juventus.

Kadib dhamaadkii ciyaarta ayuu Ronaldo hor tagay taageerayaasha Atletico Madrid siaag oo waliba sameeyay dabaal degaas.

Shaki la,aan xiddiga reer Portugal ayaa talaabo kala kulmi doona xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA kaas oo la filayo in ay talaabo qaaadaan wakhtiga soo socda.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka:a

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here