DAAWO: Barcelona Ku Raaxeysatay Savilia , Messi-na Wacdaro Ayuu Dhigay Kulankaan

Waxaa 11:30 PM xiliga geeska afrika & kan makka al mukarama waxaa si rasmi ah loo baasay lugti 2aad ee ciyaartii Barcelona & Savilia oo kamid ah ahey kulamada maanta Copa dela rey.

ciyaarta ayaa ku bilaabatay dar bar xoogan oo ay lasoo galeen xidigaha kooxda kubadda cagta ee Barcelona gaar ahaan iyagoo laga doonayey iney ku adkaadaan 3-0 hadii ay doonayaan iney siiwataan tareenka koobkan.

weeraro dhowr ah oo ay qaaday naadiga ayaa waxaa yimid daqiiqadii 11 kubad rigoore aheyd kadib markii gudaha rigoorada waxaana loo wakiishay inuu tuuro xidiga caanka ee Coutinho,

Waxa ay socotaba ciyaarta waxaa sii socday weerarka sida sawaariiqda oo kale waxaana yimid goolkii 2aad ee ciyaarta kadib markii uu baas qurux badan uu ka dhexbixiyey Arthur ayaa rakatic shabaqa dhex dhigay , waxaana savilia ay aheyd mid ay qaaday weeraro control attack ahaa kaasoo keenay rigoore balse waxaa Bannega ka bad baadiyey Cellisen goolhayaha barcelona sidaas ayaana lagu kala nastay .

Qeybtii dambe waxaa halkeeda kasoo socotay ciyaarta iyadoo aheyd mid aad uxiiso badan waxaana Barcelona ay bilowday weeraro xoogan iyadoo yimid goolkii 3aad Markale ayey Barcelona soo qaaday weerar xoogan waxaana kubad uu Suarez soo qaaday waxaa kumadaxeeyey Coutinho sidaasna ku dhalatay.

Markale ayay soo laabatay fursad daqiiqado kadib markii uu messi kubadd uusoo sameeyey udhigay gudaha rigoorada Sergio Roberto ayaana dhaliyey..goolkaasi oo 4-1 kadhigay , balse wax yar kadib Savlia ayaa dhaliyey gool si ay u ciyaarta ugu furnaato ilaa daqiiqada ugu dambeysa balse Messi ayaa feker kale lahaa kadib markii uu kubad usoo dafay ayaa waxa dhaliyey Suarez.

Balse Messi oo aan gool dhalin inuu baxo ayaa wax ceeb ah aheyd lkn waa uu diiday taasi iney dhacdo waxaana usoo gabagabeeyey mahrajaankii goolasha isagoo dhaliyey goolkii 6aad sidaas ayeyna kusoo afmeerantay ciyaarta oo 6-1 .

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here