Daawo: 50-ka Gool Ee Uu Mohamed Salah Ka Dhaliyay Premier League, 2 Gool Chelsea Ayuu U Dhaliyay

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 50-aad ee horyaalka premier League kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Crystal Palace.

Laba Gool oo uu Mohamed Salah dhaliyay ayaa Ka caawiyay in uu gaadho goolkiisii 50-aad ee horyaalka premier Leageu tan ilaa kulankiisii ugu horeeyay.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayay 72 kulan iyo 5374 daqiiqo ku qaadatay in uu ku dhaliyo 50 gool oo horyaalka premier League.

Mohamed Salah ayaa goolkiisii ugu horeeyay ka dhaliyay premier League 22 bishii March sanadkii 2014 kulan uu u ciyaaray kooxda chelsea kulan ay 6/0 uga badisay kooxda Arsenal.

Salah ayaa daqiiqadii 71-aad dhaliyay goolka markii uu badal ku soo galay ciyaarta kulan premier League ahaa oo ka dhacay garoonka Stamford Bridge.

Goolkii 50-aad ee premier League ayuu Mohamed Salah ka dhaliyay kooxda Crystal Palace daqiiqadii 75-aad kulan ka dhacay garoonka Anfield.

Hadaba Halkan Hoose Ka Daawo 50-ka Gool Ee Mohamed Salah K Dhaliyay Premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here