Daafaca Liverpool Ee Andy Robertson Oo Laga Reebay Liiska Xulka Qarankiisa Ee La Ciyaari Doona Kazakhstan & Arin La Yaab Leh Oo Sabab U Ah

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Andy Robertson ayaa laga saaray Liiska xulka qaranka Scotland ee la ciyaari doona xulka Kazakhstan.

Xuka Scotland ayaa Khamiista la ciyaari doona xulka qaranka Kazakhstan kulankoodii ugu horeeyay ee is reeb-reebka koobka Euro 2020.

Laakiin xiddiga oo kabtan u ah xulka qarankiisa ayaa seegi doona kulankaas sabab la xidhiidha dhibaato dhanka ilkaha ah.

Daafaca Liverpool ayaa xulka qarankiisa kula kulmay caasimada Scotland ee Glasgow laakiin aan xulka ula safrin Kazakhstan kadib markii lagula taliyay in uu tago dhakhtar ilkaha ah.

Xulka Scotland ayaa 3 maalmood kadib la ciayari doonta xulka San Marino waxana laga yaabaa in uu Robertson ka qayb qaato kulankaas.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here