Daafaca Aadka Loo Qiimeeyo Oo Kashifay Hal Sabab Oo Uu Isaga Diidi Doono Barcelona & Juventus Si Uu Ugu Biiro Liverpool

0

Daafaca Kooxda Ajax iyo xulka qaranka Holland ee Matthijs de Ligt ayaa ka mid ah xiddigaha tayada leh ee haatan u soo kacaya kubada cagta.

Matthijs de Ligt ayaa xiiso ka helaya kooxaha ugu waaweyn yurub bilihii ugu dambeeyay kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Kooxaha Juventus & Barcelona ayaa ah kooxaha xiisaha dhabta ah u muujiyay xiddiga reer Holland kuwaas oo dooaya adeegiisa.

Laakiin xiddiga reer Holland oo waraysi siiyay saxaafada ayaa sheegay kooxda uu doonayo in uu ku biiro mustaqbalka iyo waliba sababta ka dambaysa dookhiisa.

“Van Dijk Waa xiddig leh khibrad heer caalami ah, waana xiddig aan wax ka baran karo waxa aan doonayaa in aan kula biiro Liverpool taas oo sidoo ah koox weyn”.

“Laakiin wakhti xaadirkan kaliya waxa aan ka fikirayaa Ajax waxana aan diirada saarayaa xilli ciyaareedkan kadib waxa aan arki doonaa waxa dhaca”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here