Crystal Palace Oo U Awood Sheegatay Arsenal , Qalcadda Emirates Ayay Uga Soo Talaabsadeen 3/2

0

Crystal Palace ayaa nasiinada ugu dirtay Arsenal hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid biloowgii qeybta hore ka dib kubad uu madaxeeyay Christian Benteke daqiiqadii 17-aad .

Goolkaas waxaa ka muuqday qalad dhanka daafaca ah oo ma jirrin ilaalo laga hayay Christian Benteke xilli ay u qaateen in uu Offisde ahaa .

Ka hor goolkaas , Arsenal ayaa kubadda ku badneyd iyaga ayaana haystay kubadda balse waxaa ka maqnaa cadaadiska fog .

Crystal Palace oo ku tiirsaneyd kubadaha rogaal celiska ah ayaa mararka qaar halis gilineysay Arsenal xilli saaxibada Ozil uu ka maqnaa dhameystirka .

Sidaas oo ay tahay heer kubad haysashada Arsenal ee qeybtaas hore waxa ay gaartay %67 balse qeybta labaad waa laga filan karay goolka bar bar dhac

Arsenal soo laabashadii durba gool ayay heleen waxaana saxiixay Ozil , xilli ka dib goolkaas ay Arsenal muujiyeen dar dar wacan balse kooxda martida ah mar waliba halis ayay ahaayeen

Arsenal inkastoo ay wacnaayeen hadana gool labaad ayaa lagu helay , ka dib kubad laga soo laaday aagga goosha Crystal Palace ayaa waxaa madaxeyay xiddig Crystal Palace waxaana helay Wilfried Zaha ka dib markii Shkodran Mustafi oo isku dayay in kubaddaas uu u hoosiiyo goolhayah ayuu Zaha gees maray waliba kubaddii ku hubsaday shabaqa daqiiqaddii 61-aad .

Arsenal waxaa ay ka sheeganayeen dal dalool dhanka daafaca ah waxaana mar kale lagu helay gool sedexaad ka dib kubad koorno laga soo laaday ayay Crystal Palace ku dhaliyeen gool daqiiqaddii 69-aad waxaana saxiixay James Mcarthur xilli saaxibada Ozil ku doodeen in laacibkaas uu ahaa Offside.

Arsenal inkastoo maamulka kubadda ay ku badnaayeen hadana kooxda martida ah waxa ay si wacan ugu tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna kooxda waqooyiga London ka dhisan dhaliyeen gool uu si qurax badan uga shaqeeyay waliba shabaqa ugu hubsaday Pierre-Emerick Aubameyang daqiiqaddii 77-aad .

Arsenal inkastoo goolkaas labaad heleen hadana awood ma aysan gilineyn weerarka xilli kubaddana ay haysteen waxa ayna kooxda martida dhamaadkii ciyaarayeen kubad daafac leh xilli guud ahaan ay ciyaarta ku dhamaatay 3/2 oo ay guusha ku raacday Crystal Palace

Arsenal ayaa haatan ku jirta booska 4-aad ee kala sareynta horyaalka Ingiriiska ka hor kulanka beri ee Chelsea oo ay wada leeyihiin min 66 dhibic .

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here