Crystal Palace Oo Hadiyad Qaali Ah U Dirtay Liverpool, Man City Ayay Si La Yaab Leh Uga Soo Badiyeen.

Crystal Palace ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Man City natiijo dhan 2/1 ka dib qaladaad hareeray kooxda hantiilayaasha .

Inkastoo City biloowgii baasas wacan ay sameynayeen ayna dadaala ugu jireen in waqti hore helaan goolal xilli midkoodii 1-aad uu yimid daqiiqaddii 27-aad hadana kulankaan City-dii la yaqiinay ma aheyn waxaan goolkaas dhaliyay Ilkay Gundogan .

Kooxa martida ah waqti badan ma aysan sugin , weerarkii ugu horeeyay ee tooska ahaa ee ay heleen ayay goolka bar bar dhaca ku keeneen waxaana daqiiqaddii 33-aad dhaliyay Jeffrey Schlupp

Balse intii taageerayaasha ay dabaal degga jireen ayay heleen gool kale oo aan la aamini karin waxaana fogaan gaareysa 32 yard ka toogtay Andros Townsend .

Waxaana xasuus mudan in labadaas fursad ee ay ka faa`ideysteen ay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee ay heleen ka dib muddo oo lagu hayay gooshooda .

Soo laabashashadii , City waxa ay isku dayayeen in kubadda deg degsiimo leh ciyaaraan balse waxaa laga dareemayay in uu wel wel haleelay .

Xaalka waxaa uu xumaaday ka dib qalad uu qadka jibiska ka caagan uu ku sameeyay Walker waxaana kooxda Palace loo dhigay rigoore waxaana daqiiqaddii 51-aad shabaqa City dhigay Luka Milivojevic
Arinta lala yaabay ayaa ah in afar laad oo ay Palace ku sameeyeen goosha City in ay ku keeneen sedex gool , waana mid ka dhaadhci weysay taageerayaahsa City

Ka dib dhacdooyinkaas , Man City isku dayo kala duwan ayay sameynayeen kubaddana waxa ay ku jiidayeen afka hore ee Palaace balse kooxda faa`ideysatay waa ay foojignaayeen

Dhamaadkii kubadda labada koox waa ay u furneyd inkastoo City laga filan karay goolal waase keeneen goolka labaad daqiiqadii 85-aad waxaana saxiixay Kevin De Bruyne waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 3/2 oo looga badiyay City

City ayaa haatan ku istaagay 44 dhibic iyo booska labaad halka Liverpoolna oo hogaanka haysa ay leeyihiin 48 dhibic

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here