Cristiano Ronaldo: Waan Ku Faraxsnahay Ku Guulaysiga Horyaalka Serie A-da, Champions-kana Xilli Ciyaareedka Dambe Ayaan U Soo Laabanaynaa

0

Xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay dareenkiisa kadib markii uu Juventus ku hogaamiyay hanashada horyaalka Serie A-da oo ah koobkiisii ugu horeeyay ee horyaalka Tan ilaa markii uu Juventus ku soo biiray Suqii Xagaaga.

Cristaino ayaa kooxda Juventus ku soo biiray suuqii xagaaga isaga oo kaga soo biiray kooxda Real Madrid uguna soo biiray lacag dhan 110 milyan oo euro kadib 8 sano oo uu joogay Real Madrid.

Ronaldo oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Kani waa xilli ciyaareedkaygii ugu horeeyay ee Juventus, waxa aan ku guulaystay koobkaygii 2-aad, waan ku faraxsanahay in aan noqdo xiddigii ugu horeeyay ee ku guulaysta 3 horyaal oo kala duwan”.

“Waa in aanu ka gudubno xaalada, waxa aan ka hadhnay champions League Laakiin waa in aanu iska ilowno arintaan”.

“Waxa jira shaqo badan oo ay tahay in aanu qabano si aanu ugu guulaysano champions League, waa in aanu Nasiib lahaano waliba fiicnaano”.

“Waxa aan isku dayi doonaa sanadka dambe ku guulaysiga champions League waanan soo laaban doonaa mar kale”ayuu Ronaldo hadalkiisa ku soo xidhay.

Waxa xusid mudan in uu Cristiano koobkiisii 2-aad kula guulaystay Juventus kadib markii ay bilowgii xilli ciyaareedkan koobka Super Coppa Italia ka qaadeen kooxda Ac Milan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here