Cristiano Ronaldo Oo Ugu Goolal Badan Real Madrid Sanadka 2018 Inkasta Oo Uu Bilo Ka Hor Ka Tagay Kooxda

Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa in uu xagaagii ka tagay Real Madrid kuna biiray Juventus laakiin taas ayaan ka hor istaagin in uu noqdo xiddiga ugu goolasha badan Real Madrid ee sanadka 2018.

Dooda ku saabsan in ay Real Madrid u jabtay maqnaanshaha Ronaldo ayaa socota laakiin xogta ayaa ka hadlaysa nafteeda gaar ahaan marka laga hadlayo goolasha.

Ronaldo ayaa sanadka 2018 u dhaliyay Real Madrid 27 gool isaga oo hal gool ka badan Gareth Bale sidoo kale 10 gool ka badan Karim Benzema.

Sergio Ramos ayaa isagu dhaliyay 10 gool halka ay xiddigaha Isco iyo Marco Asensio dhaliyeen min 8 gool.

Cristiano Ronaldo ayaa 28-ka gool ee uu u dhaliyay Real Madrid ku dhaliyay 22 gool halka uu Bale u baahday 48 kulan si uu u dhaliyay 27 gool sidoo kale Benzema ayaa 53 kulan ku dhaliyay 18 gool.

Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha Ugu Goolasha Badan Real Madrid sanadka 2018:

Cristiano Ronaldo, 28 goals in 22 Kulan
Gareth Bale, 27 goals in 48 Kulan
Karim Benzema, 18 goals in 53 Kulan
Sergio Ramos, 10 goals in 44 Kulan
Marco Asensio, 8 goals in 54 Kulan
Isco, 8 goals in 43 Kulan
Lucas Vazquez, 7 goals in 52 Kulan
Marcelo, 7 goals in 38 Kulan
Casemiro, 4 goals in 44 Kulan
Kroos, 4 goals in 42 Kulan
Mayoral, 3 goals in 11 Kulan
Modric, 2 goals in 45 Kulan
Nacho, 2 goals in 34 Kulan
Vinícius, 2 goals in 10 Kulan
Carvajal, 1 goal in 41 Kulan
Ceballos, 1 goal in 29 Kulan
Llorente, 1 goal in 21 Kulan
Odriozola, 1 goal in 12 Kulan
Mariano, 1 goal in 10 Kulan
Achraf, 1 goal in 8 Kulan
Javi Sanchez, 1 goal in 5 Kulan
Cristo Gonzalez, 1 goal in 1 Kulan

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here