Cristiano Ronaldo Oo Si Lama Filaan Ah Uga Soo Muuqday Kulankii El Clasico & Sida Ay U Dhacday Sheekadu.

Taageerayaal dhan 200 oo taageerayaal Barcelona ah ayaa ku raaxaystay kulankii ay kooxdoodu ciqaabeen kooxda Real Madrid kulan ka dhacay Santiago Bernabe kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee Semi-finalka tartanka Copa del Rey-ga.

Waxa ay daawadeen kooxdooda oo 3/0 ku xasuuqday kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Real Madrid iyaga oo waliba ka maadsaday kooxda ay garoonkooda joogeen.

Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay Taageerayaasha Kooxda Barcelona ayaa ku heeshay magaca xiddigii hore ee Real Madrid ee Cristiano Ronaldo.

“Mee CR7″ayaa ahayd kalmadihii ay ku cel-celinayeen taageerayaasha Barcelona iyaga oo uga maadsanaya gool dhalin la,aanta Haysata Real Madrid.

Laakiin Taageerayaasha Real Madrid ayaan ka aamunsin waxana ay taageerayaasha Barcelona ku aamusiyeen Orin iyo waliba qaylo.

Cristiano Ronaldo ayaa xagaagii ka tagay Real Madrid isaga oo kaga biiray Kooxda Juventus soona Afjray 9 sano oo uu joogay Bernabue.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here