Cristiano Ronaldo Oo Si La Yaab Leh Uga Soo Muuqday Kulankii Old Trafford Ka Dhacay Ee Man United & Barcelona & Messi Oo Sabab U Ah

Taageerayaasha Kooxda Man United ayaa ku digtay xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Lionel Messi intii uu socday kulankii lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League kana dhacay garoonka Old Trafford.

Lionel Messi ayaa qaybtii hore ee ciyaarta lagu qasbay in laga saaro ciyaarta kadib markii uu Chris Smalling sanka kaga dhiijiyay xiddiga reer Argentine.

Xiddiga reer Argentine ayuu dhaawac sanka ah soo gaadhay xilli ay xitaa isha bidix noqotay mid aad u cas kadib loolan uu la galay daafaca kooxda Man United.

Laakiin xiddiga ayaa la daaweeyay kadib ku soo laabtay ciyaarta taas ayaana keentay in ay taageerayaasha Man United ku digtaan xiddiga ahna kabtanka Barcelona.

Isla markii uu xiddigu ku soo laabtay garoonka ayay taageerayaasha Man United bilaabeen in ay ku heesaan “Viva Ronaldo” taas oo waliba garoonka dhamaantiis qabsatay.

Kooxda.com ayaa xusaysa in uu Cristiano Wakhti fiican ku soo qaatay Old Trafford kuna soo guulaystay koobab badan intii uu joogay Premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here